Wasiir Sabriye “Mahakan Doonto Doorashada Galmudug”

0
178

Arbaco RBB News:- Waxaa Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye lagu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug

Wasiir Sabriye Safarkiisa waxaa ku wahlinaayay Mas uuliyiin Katirsan Dowlada, Gudigii Doorashada Galmudug oo ay dowladu magacawday, Saraakiil Ciidan iyo Xubno kale

Wasiir Sabriye ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Magaalada Mqdisho waxa uuna madaxsa dowlada kala tashanayay Hanaanka Dhismaha Maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa Marka uu Tagay Dhuusamareeb Warbaahinta kula hadlay isagoo sheegay in aanan lahakin doonin Dhismaha Maamulka

Sidoo Kale Wasiirka ayaa Sheegay in si dhaqso ah lagu dhisi doono Maamulka ayna dhici doonto Doorashada Madaxweynaha ayadoo uu jiro khilaaf Dowlada Kala Dhaxeeyo hoggaanka sare ee Ahlusunna ayna dhaliilsanyihiin habka ay dowladda u mareyso dhismaha Galmudug.

Go’aanka Wasaarada Ee ku wajaheyso Dhismaha Galmudug ayaa ah mid aysan raali ka ahayn mamulka ahlusumah lamana oga waxa kadhalan kara udhaqaaqida Doorasho Dowlada ugaar ah.