Wasiirka amniga oo ka hadlay Warar Baraha Bulshada lagu faafiyey

0
766

Jimco, 19 April 2019 (RBB News) – Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayey in Magalada Muqdisho ay ka dhacayaan banaanbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya,kaas oo laga cabsi qabay in shalay oo Khamiis aheyd in uu dhaco.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow `ayaa sheegay in dadka Muqdisho lagu marin habaabinayey in banaanbax uu ka dhacayo Muqdisho taasina aan waxba ka jirin.

Waxa uu ka dalbaday Shacabka ku nool Magalada Muqdisho inay laamaha amniga kala Shaqeeyaan sugida Amniga Caasimadda,isla markaana ciidamada ku garab siiyaan.