Wasiirka Arimaha Gudaha Xs Oo Ku Wajahan Dhuusamareeb

0
355

Talaado, RBB News – Wafdi balaaraan oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo dibu hishiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maaanta ku wajahan Magaalada dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Waxaana socda qaban qaabada soo dhaweynta Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Arimaha gudaha iyo dibu hishiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa kal hore ku sugnaa Magaalada dhuusamreeb isagoo ka qeyb qaatay dibu hishiisiinta Masuuliyiinta Ahlusuna iyo Galmudug iyo Sidoo kale isku dhafka ciidamada ahlusuna iyo Kuwa dowladda federaalka ah, waxaana la filayaa in wasiirku ka qeyb noqdo dar dargalinta shirka dibu hishiisiinta ah ee loo qabanayo Masuuliyiinta galmudug ee aragti ahaan waayihii dambe kala durugsanaa.

Raisuwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa mudooyinkii dambe sidoo kale ku sugnaa Deegaanada galmudug isagoo balan qaaday in dowladda dhexe hormuud ka noqon doonto dibu hishiisiin la dhex dhigo bulshada Maamulka galmudug iyo dhisidda maamul cusub oo awood leh oo ay yeeshaan dadka kasoo jeeda deegaanada Dowlad goboleedka Galmudug.