Wasiirka Arrimaha Gudaha XS iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Oo Gaaray Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan

0
352

Axad RBB News- Wafdi ay hor kacayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye & Madaxa xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Maanta waxay gaareen deegaano hoostaga degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan.

Ujeedka Safarkooda ayaa lagu sheegay in doonayaan in ay xaliyaan xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo beel oo walaalo ah oo ka taagan Deegaano hoosyimaada Degmada Matabaan.

Saacadaha nasoo aadan ayaa la filayaa in Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye & Madaxa xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ay kulamo la qaataan waxgaradka iyo Odoyaasha kasoo jeeda Deegaanadaasi Si loo joojiyo xiisadda ka taagan Halkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha  Ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maalmahan ku sugnaa Magaalada dhuusamareeb Xili magaaladaasi ay ka taagan tahay jahwareer Siyaasadeed oo ku aadan is faham la’aan ka dhex jirta Dowladda dhexe iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.