Wasiirka Batroolka Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Suudaan.

0
218

Axad, RBB News:- Waxaa soo gaaray caasimada dalka Suudaan ee khartuum Wasiirka wasaarada Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya Injineer C/rashiid Axmed Maxamed iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo wasiirka.

Soo dhaweynta wasiirka oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum, ayaa waxaa hormuud ka ahaa Caadil Cali Ibraahim oo ah wasiirka Batroolka ee Suudaan iyo Safiirka safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Mudane Maxamed Sheekh.

Soo dhoweynta Wafdiga Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo ahayd mid diiran ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay saraakiil kale oo ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Khartuum, waxaana ka mid ahaa u qeybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan, Yuusuf Jeego.

Wasiirka ayaa booqasho rasmi ah ku joogi doona dalka Suudaan Mudo laba cisho ah isagoo kulamo la yeelan doona Madaxda dowladda Suudaan