Wasiirka Difaaca dalka oo tababarka u soo xiray Taliyayaal Katirsan Ciidamada Dowlada.

15
2361

Axad 03 Feebarayo 2019 (RBB News) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa maanta soo xiray tababarka xoojinta isku xirka howlaha taliska guud iyo saraakiisha qeybaha Ciidanka Xoogga dalka,kaasi oo mudo saddex cisho ah Muqdisho ka socday.

Mudada uu tababarkan socday ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin furista waddooyinka ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo sidii loo tayeyn lahaa Ciidanka Xoogga dalka,waxaana kulanka lagu sheegay in sanadkan kun askari oo ka tirsan Ciimada AMISOMA la dhimayo.

Munaasabada soo xiritaanka tababarka ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Gaashaandhiga dalka,Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka,Abaanduulah iyo saraakiil ka kala socotay AMISOM iyo Turkiga.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmo Indho-Qarshe ayaa sheegay iney xoogga saari doonaan sanadkan furista dhammaan waddooyinka isku xira gobolada dalka si loo hagaajiyo isku socodka Bulshada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Mudane Maxamed Cali xagaa ayaa sheegay inaan la aqbali Karin in koox yar oo sidata fikir guracan ay dhibaato u geysato Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Difaaca dalka Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in kulankan uu daahfur u yahay nuuca shaqo sanadkan ee taliska iyo qeybaha ciidanka Xoogga dalka si loo dardar geliyo howlaha ciidanka Qaranka dalka.

15 COMMENTS

  1. Thank you, I’ve just been looking for information approximately this topic for ages and yours is the best I have came upon so far. But, what in regards to the conclusion? Are you positive in regards to the supply?

  2. Howdy! This is kind of off topic but I need some advice from an established blog. Is it hard to set up your own blog? I’m not very techincal but I can figure things out pretty fast. I’m thinking about making my own but I’m not sure where to start. Do you have any points or suggestions? Appreciate it

  3. Quality content is the important to be a focus for the visitors to go to see the web page, that’s what this web site is providing.

  4. Hey There. I found your blog using msn. This is a very well written article. I’ll make sure to bookmark it and return to read more of your useful info. Thanks for the post. I’ll definitely comeback.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here