Weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen gudaha Kenya

0
324

Sabti, 22 june 2019 (RBB News) – Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in iskahorimaad hubeysan uu ku dhex maray dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamo Boolis ah Bariga Garissa.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in dagaalamayaasha ay soo weerareen Saldhig ay ciidamadu lahaayeen balse ay iska caabiyeen.

Sarkaal u hadlay ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in saddex kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dileen dagaalkan.

Hase yeeshee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaasha ALshabaab ay burburiyeen xarun isgaarsiineed oo ay shirkada Safricom ku lahayd meel ku dhow saldhigga ciidamada ee la weeraray.