Xaalad Culeys Ah Oo kusoo Korortay Doorashada Galmudug

0
282

Sabti, RBB News:- Dadka reer Galmudug ayaa walaac ka muujinaya xaaladda ku soo korortay maamulkaasi, ka dib markii Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu sheegay in uu ka soo horjeedo dhabaha loo marayo dhismaha maamulka cusub.

Madaxweynaha oo Khamiistii gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya kala laabtay wakiilashadii, uu u wakiishay inay soo dhisto maamulka cusub ee Galmudug. Madaxweynaha ayaa sidoo kale war saxaafadeed ku sheegay in uu kalsoonidii kala laabtay Guddiga Farsamada ee Doorashooyinka Galmudug. Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in Odayaasha Dhaqanka iyo saamileyda siyaasadda ay ka soo qaybgalaan shir 25-ka bishan ka furmaya Magaalada Gaalkacyo, kaasoo sida uu sheegay looga arrinsanayo aayaha Galmudug iyo sidii wadatashi looga yeelan lahaa dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Hadalka Madaxweynaha oo xoojinaya khilaafka wiiqay doorashada Galmudug ayaa wuxu dareen ku abuuray dadka reer Galmudug dal iyo dibadba.

Dadka reer Galmudug ayaa waxay barraha bulshada ku wada xiriirto ay asxaabtooda kula wadaagayan walaacooda ku aadan khilaafka uu ka gudbi la’yahay dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.

Sidoo kale waxgaradka iyo aqoonyahanada reer Galmudug ayaad arkeysaa inay Warbaahinta gudaha u marinayaan dhinacyada ay ka go’do siyaasadda Galmudug inay u turaan shacabkooda.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Xaaf uu ka bilaabay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo aadaaya, xilli Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu dadaalo lagu dardar-gelinayo dhismaha maamulka cusub uu ka wado Magaalada Dhuusamareeb.