Xabad Joojinta Liibiya Oo maalin Kadib Burburtay

0
223

Isniin, RBB News:- Dhinacyada isku haya dagaalka dalka Libya ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu jabiyay xabad joojin ay garwadeen ka ahaayeen beesha caalamka, saacado un kadib markii ay dhaqan gashay.

Xabad joojinta burburtay ayaa bilaabatay maalin kahor, kadib markii Dowladda Libya ay cadaadis kala kulantay dalalka Ruushka iyo Turkiga, si ay u aqbasho.

Dowladda ay Qaramada midoobay aqoonsan tahay iyo jabhadda uu hogaamiyo Jeneraal Khalifar Haftar ayaa sheegay in dagaal uu ka bilawday meel aan ka fogeyn caasimadda dalkaas ee Tripoli.

Wakaaladda wararkaee Reuters ayaa kusoo warrantay in maalintii axadda dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo badan oo duleedka caasimadda.

Dowladda Turkiga ayaa toddobadkii lasoo dhaafay ciidamo u dirtay dalkaas, si ay gacan u siiyaan Dowladda.

Jeneraal Haftar ayaa waxaa uu taageero ka heystaa dalalka Masar, Sacuudiga, Imaaraatka iyo Urdun, taas oo keentay in dalka shidaalka leh ee Libya uu noqdo goob horleh oo ay ku dagaalamaan dhinacyada isku haya bariga dhexe, ayna noqoto Suuriyada labaad.

Sido kale dowladda ay Qaramada midoobay aqoonsan tahay ee Libya ayaa taageero ka heysata dalalka Qatar iyo Turkiga.

Xilli xiisad ay ka taagan tahay dalkaas ayaa waxaa lagu soo warramayaa in kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaas iyo qulqulka muhaajiriinta uu xoogeystay, waxay arrintaas walaac ku keentay dalalk Yurub oo ay dalka Libya wadaagaan xuduud dhanka badda Mediterranean-ka.

Dalka Libya ayaa qalalaaso ku jiray tan iyo sanadkii 2011, xilligaas oo uu bilawday kacdoon xilka lagaga tuuray hogaamiyihi mudada dheer kasoo talinayay dalkaas ee Muammar Gaddafi.

BBC Somali