Xabad Joojinta Liibiya Oo Rajo Wanaagsan Laga Muujiyay.

0
250

Axad RBB News:- Wadamada quwadaha leh ee caalamka ayaa isku raacay baahida loo qabo xabad joojin rasmi in laga gaaro colaada Liibiya.

Hadalkaan ayaa lagu shaaciyay kadib kulan dib u heshiisiinta oo lagu qabtay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Shirkaan oo dhacay Axadii shalay ayaa waxaa goob joog ka ahaa hogaamiyeyaasha wadamada Ruushka Turkiga Faransiiska iyo Jarmalka.

Ra’isul Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel oo gabagabadii shirka ka hadashay ayaa sheegtay in heshiiska xabad joojinta Tripoli ay rajeyneyso in ay noqoto mid rasmi Ah.

Shirka ayaa dhanka kale waxaa goob joog ka ahaa ra’isul wasaaraha dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya Mr Fayez Al-Siraaj iyo hogaamiyaha mucaaradka Janaraal Khaliifa Xaftar.

Dowlada Mareykanka iyo qaramada midoobay ayaa dhankooda loogu baaqay in ay dhaqan galiyaan heshiiska nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.