Xaflad ay ku qalin jabinayeen Arday Ka Aflaxday Dugsiga Al-Biri Oo Maanta Muqdisho Lagu Qabtay.

0
365

Khamiis RBB News:- Munaasabadan Oo Ahayd mid aad loo soo qaban qaabiyay ayaa lagu qabtay Howlka weyn ee Jaamcada Zamzam Waxaana kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan Waxbarashada, Waalidiin, Maamulka Jaamacada, Marti sharaf kala duwan, Maamulka Iskuulka Al-Biri, Macalimiinta iyo ardayda.

Ustad Maxamed Yusuf Macalim Oo ah Gudoomiye Xigeenka Mu’asasada Tayo Oo Uu Hoos tago Iskuulka oo munaasabada Khudbad kajeediyay ayaa sheegay in Iskuulka Al-Biri uu kamid yahay Iskuulada Ugu Wanaagsan dhanka Aqoonta, Akhlaaqda Iyo Iskuxirnaanta Dhamaan Iskuulada hoostaga Mu’asasada.

Sidoo kale Waxaa Munaasabada Khudbad Kajeediyay Gudoomiyaha Jaamacada Zamzam Ustad Daa’ud Makaraan Waxana uu ardayda Iskuulkan Ku amaanay Sida ay uga muuqato Waxbarashada Isagoo kutilmaamay in ee yihiin Arday dadaal badan.

Maamule Kuxigeenka Dugsiga Hoose Dhexe Iyo Sare Al-Biri Ustad C/llahi Khalif Cumar oo goobjoog ahaa Xaflada ayaa bogaadiyay Ardayda Sanadkan kaqalin jabisay Dugsiga Isagoo tilmaamay in ay soo muujiyen Dadaal Iyo Karti Ardayda kale ee Sanadkan 2019-2020 Dhameynaya Iskuulka ayuu kula dardaarmay In ay muujiyaan dadaalkan iyo mid kasii badan.

Ugu dambeyn Maamulaha Iskuulka Ustad Ibrahim Rooti Oo soo xiray Xaflada ayaa ka warbixiyay Taariikhda iyo dhibka laga soo Maray aas aaskii dib loogu furayay Dugsiga waxana uu tilmaamay in hadda iskuulka uu tartan kula jiro Dugasiyada kale arday badana uu soo saaray waxana uu dhamaan u mahadceliyay Xubnaha Maamulka, Macalimiinta, Ardayda Iyo dhamaan shaqaalaha Kale ee Iskuulka.

Xafladan Maanta waxaa Ku qalin jabinayay Dufcaddii 2-aad Ee Iskuulka Al-Biri Tan iyo markii dib loo furay waxaana ka dhax muuqanayay Munaasabada Arday iyo waalidiin Faraxsan.

Ardayda Qalin jabineysay dhankooda ayaa muujiyay dareenka waxaana ay Ku cabireen Xaflada ayagoo hadiyado qaali ah Gudoonsiiyay Martida Xaflada Kasoo qeyb gashay qaarkooda, Maamulka Iyo Macalimiinta oo Dhan.