Xanuunka Karoonaha oo ku faafay Jabuuti.

0
1549

Talaado, RBB News:-Jabuuti ayaa looga dhawaaqay kiisaskii ugu badnaa ee Cudurka Coronaciruys, iyadoo wasaaradda Caafimaadka dalkaas ay shaacisay 83 ruux oo kiisas cusub oo cudurka COVID-19.

 

Tirada guud ee cudurkaas uu ku dhacay ayaa gaartay 298 qof, kuwaasoo 41 ka mid ah ay soo kabatay, halka 2 qof ay geeriyootay.

Dadka uu soo ritay cudurkan ayaa u badan ajaaniibta, maadaaka dalka Jabuuti ay ku yaallaan saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin dalal dhowr ah.

Jabuuti ayaa ka mid ah meelaha uu sida weyn u saameynayo cudurka Coronavirus ee dalalka Geeska Afrika.