Xasan Sheekh “Shacabka Wa In ay u midoobaan Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab”

0
266

Sabti RBB News:- Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa ka hadlay weerarkii ay shalay galab Shabaabku ku qaadeen Hotel Cas Casey ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynihii hore ee Somaliya oo qoraal uu soo dhigay barraha bulshada kaga hadlay weerarkan ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay dadkii ay Shabaabku ku laayeen weerarkaasi.

“Anigoo aad uga murugaysan dhibaatadii xanuunka badneyd ee xalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee ay argagaxisadu ku laayeen dad Soomaaliyeed oo waxgal u ahaa bulshadeena ayaa waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, kuwii ku dhaawacmayna waxaan ilaahay uga baryayaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Somaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maleeshiyada Shabaabka ku eedeeyay inay xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu yiri “In kooxahan argagaxisada ah ay meel weliba oo dalka ka mid ah ku beegsadaan, kuna laayaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay muujineysaa in ay cadow ku yihiin jiritaanka umaddeena oo dil, dhaawac iyo burburinba ay la daba jooggaan.”

Isagoo farriin u diraayay shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri “Shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in loo midoobo oo meel looga soo wada jeesto dagaalka kooxahan nabaddiidka ah ee mar weliba ku faana laynta dadkeena waxgalka ah.”

Waxa uu intaa ku daray “Wax ay inoo reebanayaan oo nagu khasbaya in aan indhaha ka fiirsano ma jirto waa dagaal qof kaliya ama dowlad lagu haleynayo uusan jirin ee loo baahan yahay in aan u istaano, una midowno cadowgan nabadda inoo diidan ee har iyo habeen dilka, dhaawaca iyo burburkaba nala dul jooga.”