Xerada Qaxootiga Dhadhaab oo la xirayo horaanta bisha Agoosto

0
328

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (RBB News) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in gabi ahaanba la xirayo xerada Qaxootiga Dhadhaab, halkaa oo hoy u ah in ka badan 230,000 oo qaxooti ah.

Warbaahinta ayaa heshay dukuminti ku saabsan xirista xeradan qaxootiga, islamarkaana Kenya ay xeri doonto bisha Agoosto ee sanadkan.

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa horay u shaacisay inay diyaar u tahay inay Kenya ka caawiso dib u celinta dadkaas ku jira Xerada Dhadhaab, iyaga oo aan la qasbin.

Sidoo kale hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa shaacisay in dadkaas dalalkooda dib loogu celin doono halka kuwa kale dib u dejin loogu sameyn doono Gudaha Kenya ama dal saddexaad.