Xiisad colaadeed oo ka taagan Dhuusamareeb iyo dagaal laga cabsi qabo

0
272

Jimco RBB News:-Xaalad kacsanaan ah ayaa waxaa maanta laga dareemaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, wixii ka dambeeyay markii rasaas lagu furay Xero Inji, oo ka mid ah meelaha uu magaalada ka degan yahay Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay inay weerarka gaysteen, xilli uu halkaasi ku sugnaa Sheekh Maxamed Cali Xasan, isla-markaana uu ka badbaaday.

Madaxda Ahlu Sunna iyo kuwo Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad uga carooday tallaabada lagu rasaaseeyay Xero Inji.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa waxaa maanta si weyn loogu arkayaa wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona u diyaarsan in ay ka hortaggaan weerar kale oo lagu soo qaado Xero Inji.

Goor sii horreysay, xoogaga Ahlu Sunna ayaa si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Xarunta Degmada Dhuusamareeb, xilli lagu waday in Ciidamada Dowladda ay si rasmi ah ula wareegaan amniga Xarunta Degmada.

Ciidamada Ahlu Sunna oo aad u fara-badan ayaa waxaa lagu arkayaa gudaha iyo dibadda ee Xarunta Degmada Dhuusamareeb, waxayna kaga hormareen Ciidamada Dowladda ee ku sugan magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu Sunna ay ku amrayn inay isaga baxaan ciidan yar oo ka tirsan kuwa Galmudug oo horey u qaabilsanaa ilaalinta amniga ee Xarunta Degmada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Xarunta Shiirkoole ayaa waxaa laga dheehan karaa in ay feejignaan badan muujinayan, waxayna xirteen wadooyinka soo gala xaruntaasi. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa wadooyinka ku gadaaman xarunta.