Xildhibaada cusub Ee Galmudug Oo Kulankoodii ugu Horeeyay Maanta Yeelanaay.

0
352

Axad, RBB News:- Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyay ku yeelanaya xildhibaannada Baarlamaanka Labaad ee dowlad gobolleedka Galmudug.

Kulanka waxaa shir guddoomin doona Guddoonka cusub ee dhawaan la doortay waxaana la filayaa in kulanka maanta looga dhawaaqo Guddiga doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug.

Tan iyo markii la doortay guddoonka cusub waxaa Dhuusa-Mareeb ka soconayay kulamo kala duwan ay lahaayeen musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo Guddoonka iyaga oo ka wada hadalay sidii ay doorashada madaxweynaha oo musharixiinta qaarkood ay walwal ka muujinayaan fara-galin lagu sameeyo.

Musharixiinta qaar ayaa sheegay in la siiyo fursad xildhibaannada ay ku arki karaan si markaa ay uga gadaan aragtidooda siyaasadeed ka hor inta aan doorashada la qaban.