Xildhibaan hore oo lagu khaarijiyay MUQDISHO & Moobilkiisa oo horay loo sii qatay

7
2333

Muqdisho (RBB)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay magaalad Muqdisho ku toogteen nin la sheegay inuu ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee dalka soo maray.

Dilka Xildhibaankan hore oo la sheegay inuu ka dhacay degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir,ayaa waxaa fuliyay Seddex maleeshiyo oo watay buugaag.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in maleeshiyada dilka geystay ay ka baxsadeen goobta.

Malaeeshiyada ayaa dilka kadib sidoo kale marxuumka ka qaatay Moobil uu xiligaa ku hayay gacanta, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

7 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here