Xildhibaan Jeesow “Dowladda waa in Axmed Madoobe ay maxkamad soo taagto”

0
425

Sabti RBB News:- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa Dowladda Federaalka Somaliya ugu baaqay inay maxkamad horkeento Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Axmed Maxamed Islaam ku eedeeyay in uu yahay dembiile gaystay dembiyo kala duwan, isla-markaana ay dowladda ka doonayan in ay sharciga la tiigsato.

“Dowladda waxaan ka rabnaa in Axmed Madoobe ay maxkamad soo taagto, waa dembiile gaystay dembiyo kala duwan.” Ayuu yiri Xildhibaanka oo aan sheegin dembiyada uu galay Madaxweynaha Jubbaland.

Xildhibaan Jeesow oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa dhanka kale Axmed Madoobe ku eedeeyay in doorasho khasab ah uu ka dhigay Magaalada Kismaayo, taasoo isaga lagu soo doortay. Waxaa uu sharci-darro ku tilmaamay tallaabada uu markii labaad xilka ku qabtay.

31-kii bishii August ayay ahayd markii Dowladda Federaalka ay Magaalada Muqdisho ku xirtay Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), iyadoona xarigiisa ku saleysay dembiyo ay sheegtay in uu horey uga gaystay Gobolka Gedo.