Xildhibaan mahad salaad oo beeniyay warka kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka.

0
4231

Khamiis, RBB News – Xildhibaan mahad salaad oo ka hadlay warkan kasoo baxay Wasaaradda Caafumaadka Soomaaliya ayaa sheegay in uu la hadlay shaqsiga wasaaraddu sheegtay in laga helay Caabuqa carona wuxuuna ii sheegay buu yiri in uusan arag wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaan.

Shaqsigan ayuu sheegay xildhibaan mahad salaad dhalinyaradii saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee tababarka u aaday dalka Talyaaniga oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Mogadishu, waxa uuna sheegay in mudo 9 beri ah uu meel ku karantiilnaa isaga iyo dhalinyaradii la socotay.

Waxuuna xildhibaanku weydiin warcelin u baahan ka dhigay qof 9 maalmood meel ku karantiilnaa, ilaa hadana wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaas aysan jirin sidee loo dhihi karaa waad xanuunsan tahay.

Waxuuna weydiinta labaad ka dhigay sida Wasaarada Caafimaadka noo sheegtay qalab lagu baaro cudurkaan ma yaalo Soomaaliya marka sidee ku ogaadeen kiiskan?

Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay muujin doonto taxadar iyo feejignaan ku aadan ka hortaga iyo xakameynta caabuqa Carona oo faro ba’an ku haya Caalamka.