Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise ”Wasiir Goodax wuxuu duulan ku yahay Puntland”

0
362

Sabti, RBB News – Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo eedeyn kulul u jeddiyay Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise Runsheeg oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa dhaleeceyn xoogan u jeediyay Wasiir Goodax isago Sheegay in wasiirka uu si’aan ganbasho laheen weerar ugu yahay deegaanada Maamulka Puntland sidaas daraadeenda uu xiriirka ugu jaray wasaarada waxbarashada Dowlad Goboleedka Puntland.

Geesta kale Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay in wasaarada ay diiday in ardaydii dhameysatay dugsiyada sare ay ku wareejiso shahadooyinkooda.

”wasaarada uu wasiirka ka yahay xildhibaan goodax xaqiiqdi waxa ay faragelin qaawan ku heyso nidaamka waxbarasho ee ka jira Puntland wana kaga digaya arintaasi wasiirku wuxuu diiday in shahaadoyinka dugsiyada sare ee dowladda uu siiyo dhalinta dhalinta gashay imtixaanadka sanadkan taas waxa ay ku tuseysaa weerarka wasiir goodax uu ku yahay Puntland Nidaamyada ka jira”

Sikastaba ha ahaate hadalka xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise Runsheeg ayaa kusoo beegmaya xili wasaaradaha waxbarashada maamul goboleedyada ay eedeyn xoogan uso jeediyeen nidaamka waxbarasho ee uu wado wasiir goodax.