Xildhibaanada cusub ee Galmudug oo kulankoodii ugu horeeyay yeelanaya

0
296

Axad, RBB News – Magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa waqtigan ka socda diyaar garow ku aadan doorashada gudoonka baarlamaanka maamulkaasi, waxaana maanta la filayaa in ay xildhibaanada cusub ee dowlad goboleedka galmudug kulankooda ugu horeeyay yeeshaan.

Qofka ugu da’da weyn xildhibaanada cusub ee galmudug ayaa shalay loo magacaabay gudoomiye ku meel gaar ah inta laga dooranayo gudoonka baarlamaanka ee maamulkaasi.

Magaalada dhuusamareeb Waxaa ka socda kulamo looga arinsanayo shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta u taagan xilka gudoonka baarlamaanka galmudug, iyadoo la filayo in lasoo saaro shuruudahaas musharixiintana lala wadaago.

Xildhibaanada cusub ee Galmudug ayaa sidoo kale wada qaabkii ay iskaga soo dhex xuli lahaayeen xubno gudiga doorashooyinka si loo dadajiyo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Hadal haynta ugu badan ee magaalada ayaa ah waqtigan shaqsiyaadka kusoo bixi doonaa gudoonka sare ee baarlamaanka iyo madaxweynaha maamulka Galmudug maadaama ay jiraan tabashooyin beelaha qaar ay qabaan iyo madaxweyne Axmed Ducaale geelle oo saluugsan hanaanka ay u socoto maamul u dhisidda Galmudug.

Cabaqadii ugu weyneyd waxay ahayd tabashadii ay qabaan Ahlusuna oo ah urur muddo badan Alshabaab kula dagaalamay Gobolada dhexe inkastoo ay muuqato in xal loo helay cabashadii ay qabeen.

Dowladda federaalka ayaa kaalin mug leh ku leh maamul u dhisidda galmudug loo dhan yahay balse waxaa jira musharixiinta qaar ee u taagan xilka madaxweynaha Galmudug oo dowladda ku dhaliilaya in si baalmarsan dastuurka ay u wado kaalinta kaga aadan in maamulka galmudug yeelato maamul loo dhan yahay.