Xildhibaano Katirsan Labada Golle Oo Gaaray Dhuusamareeb.

0
222

Isniim, RBB News:- Wafdigan kasocda Dowlada Dhexe ee Somaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusomareeb ee Xarunta Galmudug.

Xubno ka kala tirsan Xildhibaanada Labada Golle ee Baarlamaanka Somaliya ayaa qeyb ka ahaa wafdigan waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga kasocday Aqalka Sare waxaa qeyb ka ahaa Sanoter Cabdi Axmed Dhuxulow, Senetar Yuusuf Geelle Ugaas, Sidoo kale Xubnaha Kasocday Gollaha Shacabka waxaa Kamid ahaa Xildhibaan Cabduweli Maxamed Qanyare, Nadiifo jaamac iyo Xildhibaan Xuseen Iidow.

Ujeedka Wafdigan ay Maanta u gaareen Magaalada dhuusamareeb ayaa ah sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen soo xulista xildhibaannada Cuusb ee Baarlamaanka Galmudug oo dhawaan lagu wado in ka bilaabato deegaannada Maamulka Galmudug.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada kasoo jeedo Deegaanada Galmudug ayaa wado Sidii door muhiim ay uga qaadan lahaayeen Doorashada Galmudug