Xildhibanada Cusub Ee Jubbaland Oo Maanta Gudoomiye Baarlamaan Dooranayo.

0
347

Sabti RBB News:- Gudiga doorashada Jubbaland ayaa Ku dhawaaqay in maanta oo Sabti ah ladooran doono Gidoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi iyo kuxigeenadiisa.

Doorashada ayaa lagu wadaa in lagu qabto Magaalada Kismaayo Waxaana Gudaha Magaalada Kasocdo Diyaar Garoow Xoogan, waxaana si weyn looga dareemaya guud ahaan Magaalada iyo Xarunta doorashadda ay ka dhaceyso oo lasoo buux dhaafiyay Ciidamo kala duwan oo amniga xaqiijinayo.

Guud ahaan Ammaanka Magaalada Kismaayo iyo deegaanada udhaw ayaa si weyn loo adkeeyay, Waxaana goobaha ay ka dhaceyso Doorashada labuuxiyay Ciidanka Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Xildhibaano katirsan labada golle ee Baarlamaanka Somaliya iyo xubno ka socda beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashadda guddoonka baarlamaanka Jubbaland ee maanta ka dhaceysa Magaalada Kismaayo.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Beesha caalamka ay baaqyo kala duwan kasoo saareen doorashada Maamulka Jubbaland ayna codsadeen in doorashada Maamulkaasi ay udhacdo sidii logu tala galay.