Xukun dil ah oo lagu riday qaar kamid ah dadkii dilay Axmed Dowlo

0
271

Talaado, 30 April 2019 (RBB News) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Maanta Xukun dil ah ku ridday Saddex ruux oo loo heysto dilkii iyo gubidii Axmed Mukhtaar Saalax ( Dowlo) falkaasi oo dhacey 20/09/2018.

Maxkamada ayaa la horgeeyey 7 Ruux oo ku eedeysan dilka iyo gubida,waxaana Maxkamada Maanta oo talaado ah xukun dil ah ay ku ridday Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed.

Sidoo kale Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sii deysay afar qof oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa Falka dilka ah, Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed ayaa sheegay in xukunka uu racfaan ka furan yahay.

Markii uu dhacay dilka iyo gubida Axmed Mukhtaar Saalax ( Dowlo) oo sabab u noqday arrimo la xiriira heyb sooc, kadib markii Wiil uu Adeer u yahay uu guursaday Gabar ay deris ahaayeen ayaa waxa ka dhashay hadal-heyn badan, iyada oo dad badan ay siyaabo kala duwan uga fal celiyeen.