Xukuumada Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka IMF

0
301

Khamis, RBB News:- Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka maaliyada Xukuumada Federalka Somaliya oo shir jaraa’id kuqabtay Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyey Warbixintii ay soo saartay Hay’aad IMF.

Warbixinta ay soo saartay IMF ayaa ku saabsaneed meel marinta  qorshaha  maaliyadeed ee Soomaaliya.

Wasiir beyle ayaa sheegay in Hay’adda IMF ay Soomalaiya aad ugu Shaqeysay qorshaha dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya,islamarkaana Soomaaliya ay udhawdahay wadadii deynta looga cafin lahaa ayna socdaan dadaalo lagu dar dargelinayo in Soomaaliya laga cafiyo deynta.
shalay ayay aheyd markii Golaha Wakiillada dalka Mareykanka ay markii ugu horeysay ansixiyeen cafinta deyn mareykanku uu kulahaa Somaliya muddo dhowr sano ah Arintaasi oo weyb weyn ay kawaateen Xubnaha somalida ee katirsan Koongareeska Mareykanka.