Yuu ahaa bartilmaameedka qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho?

0
171

Shuraako Featured on VOA Somali

Qarax ay ku dhinteen saddex qof, shan kalena ay ku dhaawacmeen ayaa maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay miino la dhigay waddada dhinaceeda ayaa lala beegsaday baabuur uu la socda taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya Colonel Mahad Aadan Cali, inkasta oo taliyaha uu ka bad-baaday.

Dadka dhintay ayaa laba ka mid ah waxay ahaayeen ilaalada taliyaha, ayada oo qofka saddexaadna uu ahaa shacab, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen VOA.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Seynab Abuukar Maxamed.