Alshabaab Oo Burburiyay Anteeno Ay Leedahay Shirkad Isgaarsiineed.

0
669

Arbaco RBB News :- Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay weerar ku qaaday degmada Fafi oo ka tirsan Ismaamulka Garissa.

Weerarkan oo dhacay xalay saqdii dhaxe ayaa lala beegsaday Anteenada shirkada Isgaarsiinta Safaricom ay ku leedahay degaanka dhiciso taasi oo gabi ahaanba la Burburiyay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Amniga Kenya oo ilaalo ka ahaa xaruntan ayaa awoodi waayay In ay caabiyaan dagaalyahanada weerarkan soo qaaday taasi oo keentay in la burburiyo Anteenadan.

Al-Shabaab ayaa dhanka kale dabqabad siisay dhismaha kale ee xarunta oo ay ku xareysnaayeen agabyo kala duwan oo shirkadu Laheyd.

Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ee dagaalamay kala gaaray maadaama xili habeen ah ay Aheyd.

Dhanka kale wararka aynu ka heleyno ilaha deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo badan loo daabulay deegaanka dhiciso kuwaasi oo baadi goob ugu jirta Maleeshiyadii ka danbeysay Weerarkaan.