Alvaro Morata Oo Maanta Tijaabada Caafimaadka U Maraya Atletico Madrid

29250
101687

Xidiga kooxda Chelsea ee Alvaro Morata ayaa maanta la filayaa in uu tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda dalkiisa Spain ee Atletico Madrid laakiin intii lagu jiray kulankii Atletico Madrid ay xalay guusha kaga gaadhay Getafe ayay jamaahiirta Atletico Madrid ka mudaharaadeen in Morata oo Real Madrid u soo ciyaaray uu kooxdooda ku soo jeedo.

 

Diego Simeone ayaa sheegay in uu markasta ixtiraamayo fikirada jamaahiirta kooxdiisa Atletico Madrid, laakiin Alvaro Morata ayaa maanta tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Simeone isaga oo dhamaystiri doona heshiis bilawgiisu amaah yahay balse ay si rasmi ah ula wareegi karaan dhamaadka xili ciyaareedkan.

 

Alvaro Morata oo kaliyi kama baxayo Chelsea balse da’yarka sida wayn loo qiimeeyo ee Callum Hudson-Odoi ayaa warqada dalabka bixitaankiisa waxa uu farta ka saaray maamulka kooxdiisa Chelsea isaga oo doonaya in laga iibiyo Bayern Munich.

 

Chelsea ayaa iska diiday afarta dalab oo kala danbeeyay oo ay Bayern Munich ku doonaysay saxiixa Callum Hudson-Odoi laakiin markan 18 sano jirkan ayaa xaalada heer kale u qaaday kadib markii uu xalay gudbiyay warqada uu ku dalbaday in uu Stamford Bridge ka baxo.

 

Bayern Munich ayaa diyaarinaysa dalabkii shanaad oo 40 milyan ku qiimaysan iyada oo waliba ka warqabta in Callum Hudson-Odoi uu gudbiyay warqada uu ku dalbaday in Bayern laga iibiyo laakiin ilaa hadda ma kala cada haddii maamulka Blues ay aqbali doonaan warqaada dalabka Callum Hudson-Odoi iyo waliba dalabka shanaad ee ay Bayern Munich xidigan ku doonayso.

 

Inkasta oo ay Liverpool ahayd kooxda Bayern Munich kula tartamaysay saxiixa Callum Hudson-Odoi, haddana Reds ayaan wali wax dalab rasmi ah ka gudbin 18 sano jirkan, waxayna hadda u muuqataa in maamulka Chelsea ay kala dooran doonaan ay aqbalaan codsiga  Hudson-Odoi ama ay si xor ah ku waayi karaan xidig mustaqbal wayn ku leh kubbada cagta.

 

Si kastaba ha ahaatee, Callum Hudson-Odoi ayaa hore u diiday dalab ay maamulka kooxdiisa Chelsea miiska u soo saareen oo uu hehsiis cusub ku saxiixi lahaa kaas oo uu waliba mushaar qaali ah ku qaadan lahaa balse waxa uu dalabyo xiiso galiyay ka haystaa Bayern Munich oo xataa u balan qaaday in uu xidhan doono No.10 ka uu Arjan Robben ka baxayo dhamaadka xili ciyaareedkan.

29250 COMMENTS

  1. Title

    […]Wonderful story, reckoned we could combine a number of unrelated data, nonetheless actually really worth taking a search, whoa did a single master about Mid East has got additional problerms as well […]

  2. Title

    […]just beneath, are quite a few entirely not connected web sites to ours, on the other hand, they’re surely really worth going over[…]

  3. Title

    […]that would be the end of this write-up. Right here you will discover some web pages that we assume you’ll value, just click the links over[…]

  4. Title

    […]please stop by the web sites we comply with, including this a single, because it represents our picks in the web[…]

  5. Title

    […]Wonderful story, reckoned we could combine several unrelated information, nevertheless seriously worth taking a search, whoa did one particular discover about Mid East has got far more problerms as well […]

  6. Title

    […]we prefer to honor quite a few other world-wide-web internet sites around the net, even when they aren’t linked to us, by linking to them. Under are some webpages really worth checking out[…]

  7. Title

    […]very couple of internet sites that transpire to become comprehensive beneath, from our point of view are undoubtedly properly really worth checking out[…]

  8. escorts

    […]just beneath, are various completely not related web-sites to ours, however, they are surely worth going over[…]

  9. Title

    […]very handful of internet sites that transpire to be detailed beneath, from our point of view are undoubtedly well worth checking out[…]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here