Askari Lagu Toogtay Muqdisho.

0
124
????????????????????????????????????

Isniin RBB News:- Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa waxaa goor dhow oo maanta ah lagu dilay Isgoyska Baar Ubax ee Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan ayaa waxay askariga ku toogteen goobtaasi, xilli uu shaqadiisa maalinlaha ahayd ku guda jiray.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa waxaa la sheegay inay falkaasi ka dib ka baxsadeen goobtaasi, balse kama aanay qaadan qorigii uu askarigu watay.

Ciidamada Booliska oo gaaray halkaasi ayaa ka sameeyay baaritaan muddo kooban socday, mana jirin cid ay dilkaasi u soo qabteen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilliyada qaarkood ka dhaca toogashooyin gaadmo ah, oo loogu gaysto Ciidamada Dowladda Somaliya ka tirsan