Ciiidamada Dowlada Oo Alshabaa kasoo Furtay Xoolo Nool.

0
159

Axad, RBB News:- Howlgal qorsheysan oo ciidamada Xoogga Dalka ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa Waddooyinka u dhaxeeya deegaanada Moqokori iyo Maxaas oo Dagaaliyahaano Katirsan Alshabaab ay si dhuumaaleysi ah ku soo galaan mararka qaar, ayna dadka shacabka kaga qaataan Xoolo baad ah waa sida ay baahisay Wakaalada Wararka SONNA.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka carareen illaa 400(Afar boqol) neef oo Ari ah oo ay dadka Shacabka ka dhaceen, iyadoo ciidamadu ay weerareen goob ay ku aruurinayeen Xoolahaasi, waxaana la qorheynayaa in Xoolahaasi Dadkii lahaa ay ciidamadu dib ugu celiyeen.

Alshabaab dhankooda wax beenin ama xaqiijin ah kama aysan soo bixin.

Ciidamada Xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa howlgallo lagu sugayay amniga ka sameeya tuulooyinka u dhaxeeya degmada Maxaas iyo deegaanka Muqokori, si ay sugaan ammaan Deegaanadaasi