DHAGEYSO:- Madaxweynaha Ahlusunah Oo Dowlada Ugu Baaqay in ay Lashqeyso.

0
659

Khamiis, RBB News:- Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxii Xukuumadda Galmudug oo ay Shalay Xildhibaanada Ahlu Sunna u doorteen inuu noqdo Madaxweynaha xigga ee Galmudug ayaa farriin u diray Dowladda Federaalka.
Dowladda Somaliya ayuu ugu baaqay inay taageerto doorashadii Shalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay dhageysato rabitaanka dadka deegaanka.

Sheekh Maxamed Shaakir oo la hadlay VOA ayaa yiri ayaa Dowladda Federaalka Somaliya ka dalbaday inay u tanaasusho Shacabka Dowlad Goboleedka Galmudug maadaama dowladdii wadanka ay tahay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa kudaray Sheekh Shaakir in Dowladda Federaalka Somaliya,oo dhan ay waajib kutahay in ay taageerto, isagoo kaga mahadceliyay Intii ay u tartay Galmudug isagoo sheegay in ayaga ay sii wadi doonaan Galmudug.

“Maadaama ay tahay dowladdii dadka ka dhaxeysay, wax dadka ka dhaxeeya ay meteleyso inay qola kasta ku taageerto horumarkeeda iyo sidii ay wax u qabsan laheyd, intaas keliya weeye waxaan ka rabno. Hadana Galmudug wax bay qabsatay, waxna waa qabsan doontaa.”

“Dowladda Federaalka Somaliya, Somaliya oo dhan bay ka dhaxeysaa inay na taageerto, kor joogto noo noqotana waa waajibkeeda, ayadana waan ka sugeynaa. Intii ay u tartay Galmudug-na waan ugu hambalyeynaynaa, meeshaan ay hadda keentayna anagaa dooneyno inaan ka sii amba-qaadno.”

Dhanka kale Sheekh Maxamed Shaakir ayaa xaqiijiyay in uu qabo inay wada heshiin doonaan Madaxweynaha weli talada Galmudug haya, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), haddii aanay fara-gelin kaga imaan Villa Somalia.

“Runtii midnimada Galmudug ee Caasimadda ku midowday oo ay timid, Madaxweyne Xaaf iyo aniga waan isla helnay, hadeerna sidii baan u horseedeenaa, haddii Dowladda Federaalku faraha nagala baxdo.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Shalay Ayaa Doorasho kadhacday Magaalada Dhuusomareeb EeXarunta Galmudug Waxaa madaxweyne Loogu doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan