Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan Oo Wali Kasocda Baladxaawo

0
724

Axad, RBB News:- Dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa ka soconaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, taa oo dhabaha u xaari karta in gacan ka hadal hor leh uu ka dhaco degmadaasi.

Labada dhinac ee isu haya Degmada Beled Xaawo ayaa kala ah Ciidamadii Dowladda ee maalmo ka hor la wareegay iyo Ciidamadii Jubbaland ee isaga baxay degmadaasi, kuna sugan duleedka degmada.

Dhaqdhaqaaqyadan is diidan ayaa waxaa si xoogan looga dareemayaa gudaha degmadaasi iyo bannaankeedaba.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo Sabtidii si kulul uga hadlay xaaladda ku soo korortay Gobolka Gedo ayaa dhanka kale sheegay in ay jab kala kulmi doonto Dowladda Federaalka.

Tan iyo markii la sheegay in uu xabsiga ka baxsaday Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayay dowladdu ciidan xoogan ku daabuleysay Gobolkaasi Gedo.