Gabar aroos ahayd oo saygeeda uu ku dhintay qaraxii shalay

0
321

Axad, RBB News:- Gabar aroos cusub ahayd ayaa waxay sheegtay in saygeeda uu ku dhintay weerarkii dadka badani ku dhinteen ee shalay ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Qaali Ibraahim waa gabar dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay in saygeeda uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkaasi is qarxinta ahaa.

Waxay sheegtay saygeeda oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed in uu guriga ka baxay wax yar uun ka hor intii aanu qaraxaasi dhicin, ka dibna ay bilowday inay teleefanka ka garaacdo, balse ay wicitaankiisa ku daashay.

Qaali Ibraahim ayaa sheegtay iyadoo walwal iyo murugo badan qabta ka dib, ay bilowday in iyada iyo wiilka aabihii ay ka baadigoobaan isbitaaladii loo qaaday dadkii waxyeelada kala duwan ka soo gaartay qaraxaasi.

Socod iyo raadin badan oo walwal iyo murugo ay u dheer tahay ka dib ayay sheegtay inay markii dambe helleen medkiisa, xilli uu si xun ugu gubtay qaraxa, ayna adag tahayba in la aqoonsado.

Iyadoo ka sheekeysaneysay sida ay meydka saygeeda ku xaqiijiyeen ayay sheegtay inay ku aqoonsadeen nabar yar oo ku yaalay mid ka mid ah farahiisa gacanta, sidaasina ay ku garasho garteen.

Qaali iyo Mukhtaar oo aroos cusub ahaa ayaa ka mida dadka danyarta ah ee u soo barakacay Magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 86 qof oo rayid u badan, halka in ka badan 140 kalena ay ku dhaawacantay, mana jirto cid masuuliyadiisa dusha u ridatay, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al Shabaab.