Idaacadda Banadir Oo Maalintii Labaad U dabaaldageysa Sanadguuradii 19-aad

0
1317

22- Febraayo 2019 (RBB News) – 19 Sano ayaa kasoo wareegatay Markii ay hawada kusoo biirtay idaacadda banaadir Ee magaalada Muqdishu, Maantana waxaan u dabaal dageynaa Maalintii Labaad. Idaacadda banaadir ayaa hanatay Hal heys Saldhig u ah Dadkuna uguagac dareen Oo ah Hooyada warbaahibta Dalka Maadaama ay ahayd Idaacaddii ugu horeysay Ee Ka caagan kana Madax banaan Siyaasadaha is diidan Ee Dalka Ee laga aas aasay Muqdisho.

Inkaatoo Dalku dagaalo ay ka dhaceen Oo ay jirtay in ay waqtiyo hawada ka maqnayd Idaacaddu Hadana Waxaa muuqata in aysan Maamulka iyo Shaqaalaheedu Liicin oo aysan niyad jabin Welina diyaar u yihiin u shaqeynta Bulshada Soomaaliyeed.

Shalay iyo maanta Waa Maalmo weyn oo farxad u ah Dhammaan Maamulka iyo howlwadeena Radio Benaadir Iyo Dhageystiyaasha Qiimaha badan Ee sida weyn U amaahiya Dhagahooda Wararka Xaqiiqda ku saleysan iyo barnaamiyada Tayeysan Ee halkaan aan idiinkaga soo baahino.

Waxaa aad u badan Qul qulka Dadweynaha Ka kala imaanaya Muqdisho iyo Gobolada Ku hareereesan taas ina tusineysa Jacaylka Dadku u qabaan Mar uun in ay Yimaadaan Xarunta dhexe Ee Idaacadda Banaadir Ee muqdisho si ay nala wadaagaan Farxadda iyo Fantasiyaha.

Hiigsiga Maamulka Sare Ee idaacadda banaadir ayaa ah in Lasoo kordhiyo Banaadir Tv Oo lamaane la noqon doona Idaacadda si Bulshadu Qaab muuqaal kaga bogtaadan Akhbaarta Ugubka ah Ee ka dhaca Gudahaan Dunida.

Dibu dhiska Dalka iyo Nabada ayey idaacadda banaadir ku bixisay Tamar badan Waagii ay jirtay iyadoo weli ay ka go’antahay In ay halkeeda kasii anbaqaado Dadaalka iyo Hiigsiga fog Tusaalena ay u noqoto Warbaahinta inteeda kale.