Lacag Ra’isul Wasaare Kheyre Uu geeyay Koonfur Galbeed oo la lunsaday.

0
703

Sabti, RBB News:- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ay musuq maasuqeen adduun lacageed oo gaaraya saddex boqol oo kun oo lacagta Mareykanka ah ($300,000), taa oo loogu talagalay in lagu horumariyo garoomada kubadda cagta, ee ku kala yaala Magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee Gobolada Baay iyo Bakool.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa lacagahan ku deeqay in lagu horumariyo garoomadaasi, xilli uu booqasho ku soo kala bixiyay bishii September ee sanadkii 2019.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xilligaa siyaabooyin kala duwan u saxiixay laba check oo lacagahaasi ay ku qoran yihiin, iyadoona loogu faa’iideynayo bahda isboortiga ee labadaasi magaalo ku nool.

Lacagaha uu saxiixay Ra’iisal Wasaaraha ayaan gaarin gacanta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Koonfur Galbeed, waxaase si toos ah loogu shubay xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda ee Koonfur Galbeed.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in lacagahaasi ay musuq maasuqeen Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo Wasaaradda Maaliyadda ee maamulkaasi, mana jirto wax haba yaraatee loogu qabtay bulshadii deegaanka.

Khayre oo socdaalkiisii Koonfur Galbeed ku soo geba-gabeeyay booqasho uu ku bixiyay Magaalada Marka ayaa kula kulmay bulshada ku dhaqan, oo uu kaga mahadceliyay sida ay u dhaqangeliyeen xabad joojintii ay dowladda kala dhex dhigtay laba ka mid ah beelaha wada dagga.

Waxa uu sheegay in socdaalkiisa Koonfur Galbeed uu la xiriiro, sidii Xukuumadda iyo Koonfur Galbeed isaga kaashan lahaayeen horumarka iyo daboolidda baahiyaha bulshada, ee wax ka qabashada u baahan.

Khayre ayaa xilligaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ka sheegay in laga bilaabo maalinta xigta booqashadiisa, dadka deegaanka loo dhisi doono garoonka kubadda cagta ee Marka Stadium.

“Laga bilaabo berrito waxaa la idin dhisi doonnaa garoonka kubadda cagta.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Khayre, oo aan sheegin cadadka dhaqaalaha ay xukuumadiisa ku bixisay dhismaha garoonkaasi, balse haddii lacagtaasi ay ka baxday gacanta xukuumadda waxaa la isweydiin karaa, halka ay ku dambeyso.

Waxaa xusid mudan in sanadkii 2018 ay Hay’adda Somalia Stability Fund (SSF), ay dayactir ku sameysay Garoonka Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo, waxayna ka horeysay, xilligii uu Ra’iisal Wasaaruhu bixinayay lacagta uu ugu talagalay in lagu horumariyo garoonkaasi.

Bulshada ku dhaqan magaalooyinkaasi ayaa kuu sheegaya in wax lala yaabo ay tahay in toddobo bilood ka dib, aan dhagax dhig xitaa laga samaynin garoomadaasi, iskaba daayee dib u habayntii ay ahayd in lagu sameeyo.

Somaliya oo lagu tilmaamo dal uu isla xisaabtanka aad ugu yar yahay ayaa sanadkan markale kaalinta hore ka gashay dalalka ugu musuq maasuqa badan dunida.