Madaxweyne Farmaajo Oo Farriin U Diray Shacabka Iyo Ciidamada

1102
11171

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fitriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey inay ku gaaraan Caafimaad iyo Nabad buuxda.

“ Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, waxaan ku sallaamayaa Salaanta Islaamka,  waxaan leeyahay Hambalyo , Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak, Alle waxaan ka baryeynaa Sanadkaan kiisa xigga in uu nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad buuxda” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha JFS, ayaa Ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Xasilinta uga mahad celiyey sida ay ugu dhabar adeegeen in Shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan waxa uu ugu yeeray cadawga Al-Shabaab oo uu sheegay inay yihiin Koox caadeysatay daadinta dhiigga Shacabka.

“Waxaan u mahad celinayaa Ciidamada qalabka sida, Ciidanka Xasilinta oo habeen iyo maalin u taagnaa siddii Shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen Qolooyinkaan Hororka ah oo caadeystay inay Qaraxyo ka geeystaan magaaladda Muqdisho oo ay ku laayaan Shacab, Culimo, Ciroole iyo Dumar” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey la shaqeynta Ciidanka Xasilinta, waxaana uu xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto siddii magaaladda Muqdisho loogu soo dabaali lahaa Ammaan iyo Xasilooni.

1102 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here