Maxaa ka cusub Magaalada Kismaayo kadib amarkii Dowladda

0
1063

Sabti RBB News:-Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland & madaxda kale ee ku sugan magaaladaasi ay kulan deg deg ah ka yeelanayaan amarka cusub ee ka soo baxay dowladda.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in uu Guddoomin doona Shirka, islamarkaana Jubbaland iyo Mas’uuliyiinta ku sugan Kismaayo ay ku dhawaaqi doonaan go’aamo cusub.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale amartay in diyaaradaha u socda ama ka socda Kismaayo ay maraan magaalada Muqdisho.

Diyaarado ka safray Nairobi iyo Garoowe ayaa todobaadkan jebiyey amarkaas oo kol horena ay dowladdu soo saartay, islamarkaana dhawaan ay sheegtay sidoo kale in ay qaaday.

Amarka ka soo baxay Maamulka Duulista Hawada ayaa lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Kismaayo.

Amarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli manta lagu waddo in Magaalada Kismaayo ay gaaraan wafdi ka socda dowladda Kenya oo ka qeyb galaya Caleema Saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland.