Nisa oo shaacisay in ay gacanta kusoo dhigtay xubin katirsan Al Shabaab

0
701

Arbaco, RBB News – Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku soo dhigtay xubin ka tirsanaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Ninkan ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgal qorsheysan oo Ciidamada NISA ka fuliyeen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ka dib markii ay u dhaceen hoygii uu degmadaasi ka deganaa.

Sida ay NISA shaacisay ninkan ayaa ka qayb qaatay qaraxii maalintii Axada lagu dilay Allaha u naxariistee Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Maxamed Amiin).

Hay’adda NISA ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay muuqaal Video ah oo muujinaya agabyo isugu jira moobeelo, fiilooyin, beteriyo dab dhaliye-yaal ah, laptop iyo toorey oo laga soo qabtay hoygii uu deganaa ninkan.

Taliska NISA ayaan sheegin magaca ninkaasi iyo waxa ay darajadiisu ahayd, iyadoo uu baaritaankoodu u muuqdo mid weli bilow uun ah.