Taliska Mareykanka ee Africom oo duqeyn kaga falceliyay weerarkii Al Shabaab

0
692

Talaado RBB News:-Mareykanka ayaa qaaday laba weerar oo dhinaca cirka ah, kuwaa oo jawaab u ah weerarkii Ururka Al Shabaab ay barqanimadii maanta ku qaadeen Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in duqaymaha oo daba socda weerarkii Garoonka Balli-doogle ay ku dileen toban ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, ayna ku burburiyeen mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Al Shabaab.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa qoraalka ku sheegay in xubnaha Shabaabka ee la beegsaday ay ku lug lahaayen weerarkii Garoonka Balli-doogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay inaanu jirin wax khasaaro oo dhimaasho iyo dhaawacba leh oo Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Somaliyaba ka soo gaaray weerarka Balli-doogle.

Taliyaha Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka, Gaashaanle Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Cismaan (Geeniqaar) ayaa isna sheegay inaanu jirin wax khasaaro ah haba yaraatee oo weerarkaasi ka soo gaaray Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Mareykanka ee degan garoonkaasi.

Taliyaha oo wareysi siiyay BBC ayaa tilmaamay in labada ciidan ay si weyn isaga caabiyeen Shabaabka, isla-markaana ay ka hortaggeen in ay gudaha u soo galaan Garoonka Balli-doogle.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen 100 ka mid ah labada ciidan, iyagoo sidoo kalena ku faanay in ay ku gubeen shan diyaaradood oo isugu jira Drone iyo Helicopter.

dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ujeedka Shabaabku uu ahaa in ay gudaha u galaan Garoonka Balli-doogle, balse ay iska caabin xoog lihi kala kulmeen Ciidamada Somaliya iyo Mareykanka, ee saldhigoodu yahay garoonkaasi.