Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar usoo xiray dufcadii afaraad ee Ururka 60-aad ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka

11574
278425

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame (GOROD) ayaa maanta oo Sabti ah tababar usoo xiray ku dhowaad labo boqol oo askari oo ka mid ah Ciidanka Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda Qaranka.

Xiritaanka tababarkan oo saddex bilood socday sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, Agaasime ku xigeenka madaxtooyadda, Taliyaha ciidanka Badda, saraakiil ka socda xoogga dalka iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha Ururka lixdanaad ee Madaxtooyadda Gaashaanle Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay ciidankan inay qaateen tababaro kala duwan oo ay ugu horayso la dhaqanka shacbiga iyo masuuliyiinta imaanaya madaxtooyadda iyo kor u qaadista howlgalada ay ku jiraan oo ay kow ka tahay ilaalinta wadooyinka soo gala madaxtooyada, waxa kale oo uu sheegay Odawaa in la baray ciidankan ixtiraamka taasoo kor u qaadaysa in la helo ciidan qaran oo faham buuxda ka haysa wadaniyada iyo ilaalinta karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Aamina Siciid Cali oo ka mid ahayd masuuliyiintii hadlay ayaa sheegtay iney aad ula dhacsan tahay sida wanaagsan oo ay ciidankan ula dhaqmaan dadka maraya wadooyinka madaxtooyada gala, waxayna intaa ku dartay in Askariga yaqaana habka dadka loola dhaqmo ay suurta galin karto in kalsoonida shacabka ku qabaan ciidankooda ay kor usii kacayso.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame (GOROD) ayaa sheegay marka hore in ciidanka ilaalada Madaxtooyada ay ka duwan yihiin dhammaan ciidanka xoogga dalka, sababtuna tahay iney ka howl galaan xarunta ugu weyn ee dalka laga maamulo iskuguna yimaadaan madaxda oo idil, wuxuu sheegay in tababarka ay qaataan wax badan ay ka badaleen shaqooyinkooda.

Taliye Gorod ayaa ku amaanay saraakiisha ciidanka inay had iyo goorba u taagan yihiin kor u qaadista aqoonta iyo tayada ciidanka, wuxuuna cadeeyay in tababaradaan oo kale iskuguna jira gudaha iyo dibadda lasii laba-laabayo.

Wuxuu taliye Gorod xiritaanka tababarkan ka sheegay askariga la dalacsiinayo inuu ku imaan doona warbixinta uu sarkaalkiisa ka yimaado, wuxuuna meesha ka saaray inaysan dhici doonin sarkaal xidig lagu siinayo isagoo wata Odaygiisa ama xildhibaankiisa, wuxuuna dhaar ku maray sarkaalkii sidaa sameeya in laga xayuubinayo xidigaha uu horay u haystay.

Dufcada maanta korsadaan loosoo xiray ayaa noqonaya kii afaraad, waxaana jiraya tababaro kale oo lasiinayo ciidanka madaxtooyadda dalka.

11574 COMMENTS

  1. kratom powder

    […]very couple of web sites that transpire to become detailed beneath, from our point of view are undoubtedly well worth checking out[…]

  2. prostate vibrator

    […]we prefer to honor quite a few other world wide web websites on the net, even though they aren’t linked to us, by linking to them. Underneath are some webpages worth checking out[…]

  3. order alligator meat

    […]we like to honor quite a few other internet web sites around the internet, even if they aren’t linked to us, by linking to them. Below are some webpages really worth checking out[…]

  4. best kratom capsules

    […]Wonderful story, reckoned we could combine a few unrelated information, nonetheless actually really worth taking a appear, whoa did one understand about Mid East has got a lot more problerms as well […]

  5. best delta 8

    […]that will be the end of this report. Here you will uncover some internet sites that we believe you’ll enjoy, just click the hyperlinks over[…]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here