Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo maanta xiran

0
688

Talaado RBB News:-waxaa maanta gabi-ahaanba xiran wadooyinka waaweyn ee magaalada muqdisho iyadoo la filayo in shir muhiim ah uu magaalada ka qabsoomo.

wadooyinka soo gala madaxtooyada, wadada aada garoonka aadan cade, Isgoosyada Banaadir,Soobe,Tarbuunka,iyo Howl-wadaag, iyo Sidoo kale Wadooyin kale ayaa Saakay xiran,waxaana Ciidamada ay Gadiidka ay wataan Dad weynaha ay u diidayaan in ay Wadooyinka isticmalayaan.

Shacabka Reer Muqdisho ayaa saakay ka war helay Xirnaanshaha wadooyinka,isla markaana waxay Maalayaan Lugahooda si ay u garaan Goobaha kala duwan ee ay doonayaan..

Sababta loo xiray Saakay Wadooyinka Muqdisho, ayaa ah in muqdisho uu ka furmi doono maanta shirka caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya oo ay kasoo qeyb galayaan madaxda caalamka.