Wasiir arrimaha gudaha oo si kulul kaga hadlay xaalada Dhuusamareeb

0
718

Arbaco, RBB News – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah 10-kii qodob ee dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay wada saxiixdeen.

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan dowlad gobaleed loo dhan yahay ayaa caddeeyay dowladdu ay mar waliba u taagan tahay fulinta dhammaan 10-ka qodob ee lagu wada heshiiyay.

Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna waxaa wada saxiixay  Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka iyo madaxa fulinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.