Xassan Sheekh oo Xaal mariyey gaas Xassan Ugaas Khaliif.

417
5760

Arbaco 06 Feebarayo 2019(RBB News) – Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynahii hore ee Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa maanta hoygiisa ku booqday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynahii hore ayaa Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ka xaal mariyey is-jiid-jiidkii dhexmaray xilligii la dhisaayey maamulka Hirshabeelle.

Xassan Sheekh shalay markii uu gaaray Beledweyne wuxuu sheegay in ujeedada safarkiisu tahay sixidda qaladaadkii dhacay xiligii uu Madaxweynaha ka ahaa dalka gaar ahaan dariiqii loo maray dhismaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Inkastoo aan si faah faahsan loo helin waxyaabaha ay ka wada hadleen Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Faah faahin ayaa waxaa la filayaa in waxyaabaha ugu badan ee ay ka wada hadleen ay kamid tahay iska xaal marinta wixii lasoo maray maadaama Ugaasku ahaa shaqsigii sida weyn uga biyo diiday dhismihii maamulka Hirshabeelle marar badanna ay ku kala tageen kulamo ku dhaxmaray magaalada Beledweyne xiligii uu Madaxweynaha ahaa Xassan Sheekh.

417 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here