Xildhibaan Xidig oo su’aalo aan la fileen hor dhigay Masuuliyiinta a qeyb galeysa Caleema-saarka Axmed Madoobe

0
1137

Sabti RBB News:-Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo sheegta inuu yahay madaxweynaha Jubbaland ayaa Lix Su’aal weydiiyay madaxda Kismaayo isugu tagtay.

C/rashiid Xidig ayaa weydiiyay Mas’uuliyiinta ku sugan Kismaayo dhammaantood waxay ka sameyn lahaayeen haddii doorashada 2021 madaxweyne Farmaajo uu is -caleema saaro ama uu ku dhawaaqo in la doortay sida Axmed Madboobe.

  Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraal kooban oo uu soo dhigay Facebookiisa.

1: Dhamaantiin waxaad isu garab ordaysaan ololaha Doorashada Federaalka ee 2021 Ma aqbaleysaan hadii Farmajo idinkoo guryihina jooga ku dhawaaqo In la doortay sidii Axmed madoobe:

2: ma aqbaleysaan In Farmajo 3 magac loo keeno oo midkuu hubo inuu dooranayo xildhibaan ka dhigo sida Axmed madoobe:

3: Ma aqbaleysaan In odaygii dhaqanka ee aan Farmajo taageersaneyn inuu liiska dhaqanka ka saaro oo mid isaga taageersana uu ku bedesho sida Axmed madoobe:

4: Ma aqbaleysaan In shuruudaha Madaxweynuhu noqdaan kuwo lagu cabiray oo u adeegaya farmaajo oo kaliya murashaxiinta kale oo dhana meesha ka saaraya sidii Axmed madoobe:

5: Ma aqbaleysaan in farmaajo murashaxiinta u diido inay airporka kasoo degaan, ololeeyaan ama is diwaan geliyaan sidii Axmed madoobe:

6: Ma aqbaleysaan In warqada kama danbeysta ee fasaxa murashaxiinta uu bixiyo Farmajo iyo heyada Nabad sugida murashaxii inuu culus yahay uu u arkana tartanka laga reebo Sida Axmed madoobe:

Lixdaas qodob hadaad ogoshihiin In Madaxweyne Farmajo ku maamulo Doorashada Federaalka ee 2021 Waxaa inoo furan wada hadal: